Taliyihii Booliska degmada Borena ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, Gashaw Kasiye Kebede, ayaa la dilay 10-kii Oktoobar 2026, oo ku beegan sabtidii lasoo dhaafay, sida maamulka degmadaasi uu ku xaqiijiyey bayaan tacsi ah oo shalay uu soo saaray.
Sarkaalkan ayaa la sheegay in la dilay xilli uu ku gudo-jiray hawlo shaqo, balse sababta lama shaacin. Waxaana sida muuqata dilkiisu kusoo aaday xilli ay sii xoogaysanayaan dagaallada u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka Fano ee gobolka Amxaarada.
Dilkan ayaa ku soo biiraya weerarro dhowr ah oo la sheegay in lagu qaaday mas’uuliyiin dowladeed iyo shaqaale ka tirsan hay’adaha ammaanka ee gobolka Amxaarada intii uu socday dagaalku.
Bishii Luulyo 2025, Tesfaye Getachew, oo ahaa ku-xigeenka madaxa Xafiiska Amniga ee degmada Basona Worana, ayaa la sheegay in rag hubaysan oo aan la aqoonsan ay toogasho ku dileen isaga oo shaqo ugu socda magaalada Debre Birhan.
Bishii Janaayo 2026, Lemma Wondaferew, oo hore u ahaa madaxa Xafiiska Amniga ee maamulka magaalada Shewa Robit, ayaa sidoo kale lagu dilay weerar, sida lagu sheegay qoraal tacsi ah oo maamulka magaaladu soo saaray.
Dilal kale ayaa la sheegay in iyagana lagu beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Galbeedka Wollo, Waqooyiga Shewa iyo Bariga Gojjam. Waxaa ka mid ahaa Getahun Ayale Birru, oo hore u ahaa madaxa Xafiiska Maamulka degmada Delanta, kaas oo la sheegay in la dilay bishii Luulyo 2024.
Bariga Gojjam, Kormeere Sare Zewdu Tadele, oo ahaa madaxa Xafiiska Booliska degmada Dejen, iyo Kormeere Worku Shimelis, oo madax ka ahaa qaybta ka hortagga dambiyada ee xafiiskaas, ayaa sidoo kale lagu dilay weerar ay la kulmeen iyagoo ku gudo-jira hawlo shaqo.
